U bood dhigaalka

DF oo ciidamo boolis ah geyneysa gobolka SHabeelaha Hoose

Sheeko:War

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in ciidamo boolis ah la geeyo degmooyinka gobolka SHabeelaha Hoose ee dhowaan gacanta dowladda soo galay.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka SHabeelaha Hoose Cabdi Ibraahim Shaamoow (Cabdi DHeere) oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamada booliska ah ay wadaan dadaalo lagu xaqiijinayo amaanka degmooyin fara ku tiris ah oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin xubno raacsan Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa xusay in ay jiraan degmooyin aysan joogin ciidamada booliska, kuwaasi oo la qorsheynayo in la geeyo si wax looga bedelo amaanka gudaha ee degmooyinkaasi.

Al-shabaab ayaa ka arimiya degmooyin ka tirsan  SHabeelaha Hoose oo ay ka mid tahay Baraawe.