U bood dhigaalka

DF Oo Ciidamo Geysay Gobalka Gedo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 24-kii saac ugu dambeeyay waxa ay gaadiid iyo ciidamo ka dajinaysay degmooyinka Luuq, dooloow iyo Beladxaawo oo dhamaantood ka tirsan gobalka Gedo.

Ciidankan ay dowladdu ku daad guraynayso gobalka Gedo ayaa ka mid ah booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaar ah u tababaran ee Harmacad waxaana si rasmi ah aan loo sheegi Karin ujeeda ka dambeysa in ciidankaasi laga dajiyo qeybo ka mid ah gobalkaasi.

Dhinaca kale dowladda ayaa shalay si rasmi ah wax ay ula wareegtay degmooyinka Beladxaawo iyo Dooloow iyada oo ay xusid mudan tahay in degmada Beladxaawo uu shalay gaaray wasiir Janan oo dowladdu baadi goobayso inkastoo markii dambe uu halkaasi isaga baxay.

Dowladdu wali kama aysan hadlin ciidanka ka tirsan booliska ee la geeyay gobalka Gedo inkastoo dowladdu haatan wado howlgallo ay isugu balaarinayo degmooyinka maamulka Jubbaland gaar ahaan gobalka Gedo.

Masuuliyiin u hadlay maamulka Jubbaland waxa ay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay si xoog ah kula wareegtay degmooyinkaas.

Xiriirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa ah mid aan wanaagsanayn, waxaana haatan muuqanaya in dowladdu qaab xog ah ku muquuninayso maamulkaasi.

Goobjoog News