U bood dhigaalka

DF Oo Dalbatay Waaran Caalami Ah Oo Lagu Soo Xirayo Wasiir Janan

Sheeko:Amniga

Qoraal ka soo baxay booliska Soomaaliya ayaa booliska addunka waxaa looga dalbaday waaran caalami ah kaas oo lagu soo xirayo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid xasan Janan oo maanta gaaray magaalada Beladxaawo ee gobalka Gedo.

Warqadda ka soo baxday booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in arrinka Janan ay xiriir kala sameeyeen heyadaha caalamiga ah ee booliska kaas oo loo yaqaan [Interpol].

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu xusay in dowaldda federaalka ay dhigeeda Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo qabato Cabdirashiid Janan oo dowladdu ay ku eedeysay tacaddi ka dhan ah xuquul aadanaha.

Cabdirashiid Janan ayaa maanta diyaarad mileteri waxa ay ka soo qaaday magaalada Nairobi isaga oo ka dagay degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo, iyada oo halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyeen bulshada degmadaasi.

Halkan ka akhriso qoraalka booliska Soomaaliya

Goobjoog News