U bood dhigaalka

DF oo Digniin Adag u Dirtay Dalalka Sida Sharci Darrada Ah uga Kalluumeysta Biyaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hadal ka soo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa digniin adag loogu diray dalalka sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, waxaana dowladdu ay tilmaamtay in ay tallaabo ka qaadi doonto.

Wasiirka kallumeysiga iyo kheyraadka xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa digniin adag u diray wadamada sida aan sharciga ahayn uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, waxaana uu si gaara digniin ugu diray dalalka kala ah Iiran iyo Pakistan oo uu tilmaamay in si sharci darro ah ay uga jilaabtaan badda Soomaaliya.

Wasiirka oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Waan uga digeyntaa maraakiibtaasi inay si degdeg ah Waddanka uga baxaan wixii awooda ee aan saari karno iyo soo qab-qabashadoodana waan ka shaqeyneynaa. Waxaan u baahannay in cid kasta oo naga caawin karta inay naga caawiso sidii loo qaban lahaa maraakiibtaas”

Dhanka kale wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in maraakiib gaaraysa 43 markab ay si aad ah uga kalluumeystaan deegaanada Galmudug iyo Puntland, isaga oo tilmaamay in mar kale ay suura gal tahay in ay xoogeystaan kooxaha burcad badeedka.

Inta badan maraakiib shisheeye ayaa waxa ay si sharci darro ah uga kallumeystaan biyaha Soomaaliya oo aan lahayn ciidan tayeysan oo ilaaliya.

Goobjoog News