U bood dhigaalka

DF oo Ka Shiraysa Xayiraad Ay Ku Soo Rogto Kenya Iyo Itoobiya Oo Laga Helay Coronavirus

Sheeko:Dalka

Mareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macallin oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay ka shirayso sidii xayiraad dhinaca duulimaadyada ah loogu soo rogi lahaa dowladaha deriska nala ah ee Kenya iyo Itoobiya oo iyagu laga helay kiisaskii ugu horeeyay ee xanuunka Coronavirus.

“Si joogta ah ayaan isha ugu heynaa, waxaan saacado ka hor la wadaageynay civil aviationka Kenya iyo kan Itoobiya, waddanka haddii hal kiis ama labo kiis laga helo ma ahan micnaheedu ma ahan in anagu aan xayiraadda is kala soo boodno, laakiin waxaan fiirinaynaa xadiga uu ku socdo kororka cudurkaasi, haddii uu xaddi sare ku socdo Notaamka aan diyuuradaha kula hadalno ayaa kordhinaynaa waddankaasina listiga ayaan ku darnaa, marka berry ayaan shir ka leenahay arrintaasi” ayuu yiri mareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macallin.

Dhanka kale maareeyaha ayaa sheegay in Nootaamka ay diyaaradaha kula hadlaan ay la wadaagi doonaan in aysan soo qaadi Karin dadka taransitka ah islamarkaana wax ka yar 14 maalmood ka soo maqnaa dalalka ay xayiraadda saareen ee uu sida ba’an u saameeyay cudurka Coronavirus.

“24-kii saac ee la soo dhaafay Nootaamkii wax baan ka badalnay in daadkaas naftirkooda meel aan taransit point ahayn duyuuraddu ka soo qaadi Karin hadduu passapoorkiisa exist-ka ku dhegsan uu muujinaayo in 14 berri muddo ka yar uu moogyahay waddamada ay xayiraaddu saran tahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay maareeyaha.

Hadalka maareeyaha ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli kiisaskii ugu horeeyay laga helay dalalka Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya.

Goobjoog News