U bood dhigaalka

DF Oo Sheegtay In Howlgal Qorsheysan Ay Ka Fuliyeen Shabeelaha Dhexe

Sheeko:Amniga

Ciidanka xooga dalka ayaa la sheegay in howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab ay ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe, sida lagu daabacay wakaaladda wararka Sonna.

Howlgalkan oo si gaara uga dhacay deegaanka Danida ayaa la sheegay in ciidanka xoogga ay burburiyeen Saldhig Al shabaab ay halkaasi ku lahaayeen, waxaana la tilmaamay in 2 dagaalame oo ka tirsan Al shabaab halkaasi lagu dilay halka kuwa kalane lagu dhaawacay.

Waxaana haatan la soo sheegayaa in ciidanka dowladda ay isku fidiyeen deegaanka ay kala wareegeen Al shabaab.

Wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay Al shabaab oo ay kaga hadlayaan in ciidanka xoogga ay la wareegeen deegaanka Danida iyo in halkaasi lagu dilay xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab.

Ciidanka xoogga ayaa muddoyinkii dambe waday howlgallo qorsheysan oo ay ku qaadayaan deegaanada ay ku suganyihiin Al shabaab, wallow mararka qaar weeraro gaadmo ah lagu qaado fariisimaha ciidanka dowladda ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah deegaanada iyo degmooyinka gobolada dalka.

Goobjoog News