U bood dhigaalka

DF oo Sheegtay inaan La Hakin Raashinka iyo Daawada Dalka Gudihiisa Isaga Kala Goosha

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aan la hakinin waxyaabaha lagamamaarmaanka u ah Bini’aadamka sida qutul daruuriga ah xilli dowladdu shalay soo saartay go’aan lagu hakinayo duulimaadyada daka gudahiisa ah.

Axmed Macalin Xasan Maareeyaha Hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed oo la hadalay Warnaahinta dowladda ayaa sheegay in duulimaadyada la hakiyay ee gudaha dalka kaliya ay yihiin tan Rakaabka dadweynaha, balse aysan ku jiran alaabada qutul daruuriga sida raashinka ,daawada, qalabka baabuurta iyo waxii la mid ah oo dadweyanaha aysanka ka maarmin.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliyeed iyadoo u tureysa shacabka ay ku dadaaleyso in culeys farabadan aysan la kulmin hase ahaatee ay u digeyso dadka ka been abuurana u sheegtay warar aan xaqiiqda ku saleeysneen inay ka waantoobaan.

Axmed Macalin Macalin Maareeyaha hey’adda duulista rayidka waxaa kaloo uu intaa ku daray in alaabaha dibada ka yimaada sida raashinka, daawada iyo waxa la mid ah ay u fasaxan yihiin in dalka la keeno.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hwada Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in si ku meel gaar ah loo hakiyay duulimaadyada dalka gudahiisa ah si looga hortaggo xanuunka Coronavirus.

Goobjoog News