U bood dhigaalka

DF Oo Sheegtay Iney Dishey Saraakiil Al-shabaab Ah

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay iney howlgal qorsheysan ku dishey saraakiil ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka ah ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka oo taageero ka helaya kuwo caalami ah in ay weerar qorsheysan ku qaadeen gobolka Baay halkaasi oo ay ku dileen saraakiil Al-shabaab ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:

Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay.

Hawlkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Ka tirsan Al shabab  Shabaab

Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Al Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.

Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta sida war saxaafadedkan lagu sheegay  wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen.

Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen.