U bood dhigaalka

DF Oo Walaac Ka Muujisay Faragalinta Kenya Ee Gudaha Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ayey ku sheegaty in ay si aad ah uga xuntahay faragalinta siyaasadeed ee dowladda Kenya ku hayso gudaha Soomaaliya, waxa ayna ka dhawaajisay in arrinkaasi uusan u wanaagsanayn labada dhinac xiriirkooda.

Sidoo kale warmurtiyeedka ayaa lagu xusay in xuduudaha masuuliyadooda ay si wadajira u leeyihiin caasimadaha labada dal waxa ayna dowaldda federaalka sheegtay in loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii shacabka labada dal ay nabad ugu noolaan lahaayeen.

“Xuduudaha labada dal waxaa masuul ka ah caasimadaha dalalka, waana in ay kawada shaqeeyaan sidii labada shacab ay uga wada noolaan lahaayeen nabad iyo barwaaqo, wixii labada dowladood dhexdooda ah waxaa jira wadiiqooyin sharci ah oo lagu xaliyo, sida dacwadda badda ee labada dal dhextaal oo ay Soomaaliya ku dhegantahay mowqifkeeda ahaa in loo dhaafo maxkamadda oo laga warsugo go’aanka” ayey tiri dowladda Soomaaliya.

Dowladda federaalka oo soo xiganaysa xeerarka caalamiga ah ayaa sheegtay in Kenya aan loo baahnayn in magaca AMISOM ay ku faragaliso arrimaha siyaasadda gudaha iyo in aysan ka shaqeyn khalkhal galin amni.

“Sida ay qabaan xeerarka caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa golaha amniga iyo African Union ee ciidamada AMISOM ku joogaan dalka Soomaaliya, waa in aan dowladda Kenya u adeegsan ciidamadeeda ku jooga Soomaaliya magaca dalladda AMISOM faragalinta arrimaha siyaasadda gudaha iyo khalkhal gelinta amniga ee gudaha Soomaaliya” ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay DF.

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mar waliba ay raadinayso wanaag iyo nabad kuwada noolaansho.

“DFS waxa ay markasta raadinaysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad kuwa noolaansho, waxa ayna shacabkeeda u baalanqaadeysaa in aysan aqbali doonin faragalin iyo khalkhal abuuris taas oo aysan ku jirin maslaxada gobalka iyo  nolasha shacabka degta” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalkan.

Qoraalkan ayaa imaanaya xilli wasiirkii ka baxsaday dowladda ee Janan uu gaaray magaalada Nairobi inkastoo markii dambe uu maryimid Beladxaawo oo uu kasii tagay.

Goobjoog News