U bood dhigaalka

DFS: Doorashada Galmudug Waxay Dhacaysaa Waqtigii Loogu Talagalay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay mowqifkeeda ku aaddan doorashooyinka Galmudug.

Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka wasaaraddan oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in doorashadaasi ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay ee ah bisha July ee sanadkan.

Wuxuu wasiirka sheegay wixii intaa ka horreeya ay ku dedaalayaan sidii loo heshiin lahaa, islamarkaana iyadoo meel laga soo wadajeedo ay doorashada dhici doonto.

Wasiir Sabriye ayaa dhanka kale sheegay in DFS aanay wax farogelin ah ku sameyn doonin arrimaha doorashooyinka, balse ku dedaali doonaan sidii ay doorashada waqtigeeda ugu dhici lahayd.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo madax xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dhowaan Dhuusamareeb ka sheegay in waqtigooda ku egyahay sanadka 2021.

Goobjoog News