U bood dhigaalka

DFS Iyo Turkiga Oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Dhaqaalaha, Ganacsiga Iyo Waxbarashada

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar), oo safar shaqo ku jooga magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa Dalkaas, Dr Recep Akdag.

Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) iyo Dr Recep Akdag ayaa ka wada hadlay wanaajinta xariirka qotadda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

“Waxa aan Ankara kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Dr Recep Akdag. Waxaanu kawada hadalnay xiriirka Labadda dal ee dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha Ganacsiga iyo waxbarashada ee Soomaaliya iyo Turkiga”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Dawladaha Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay dawladaha xariirka dhaw la leh Dawladda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD