U bood dhigaalka

DFS Maxay Ka Tiri Kufsigii Iyo Dilkii Loo Geystay Caa’isha Ilyaas?

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirrada XFS ayaa shirkoodii ay yeesheen oo uu shir guddoominayay ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre waxay ku cambaareeyeen falkii lagu kufsaday laguna dilay Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar 12 sano jir ahayd.

Xukuumadda ayaa ku boorisay dowlad goboleedka Puntland in ay dadaal badan geliso sidii loo soo qaban lahaa caddaaladdana loo hor keeni lahaa kuwii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii bahalnimada ahaa ee lagula kacay marxuumad Caa’isho oo 12 jir ahayd.

Golaha xukuumadda ayaa laamaha ammaanka iyo garsoorka ee dowladda federaalka faray in ay hay’adaha kale kala shaqeeyaan sidoo loo soo afjari lahaa tacadiyada noocan oo kale ah.