U bood dhigaalka

DFS Oo Baareysa Kalluun Kusoo Caariyey Xeebta Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasaaradda kallumeysiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin horudhac ah ka bixisay kalluun shalay lagu arkay xeebta magaalada Muqdisho kaas oo soo caariyey.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kallumeysiga Maxamuud Sheekh Cabdullahi ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in kalluunkaas uu ku soo caariyey xeebta u dhaw xeradda Xalane, isla markaana aysan jirin meel kale oo lagu arkay.

Kalluunkaas oo aad u badnaa ayaa subaxii hore ee shalay lagu arkay xeebta wuxuuna sheegay Agaasimuhu inuu yahay hal nuuc oo yar-yar laguna magacaabo Ceydi, kaas oo kalluumeysatadu ay ku dabtaan kalluunka kale ee waaweyn oo uu sheegay inuu cuno.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay inay Wasaaradda Kalluumaysigu waddo baaritaan ku aaddan waxa sababay in kalluun intaas la’eg uu bannaanka u soo baxo.

Dhinaca kalena Wasaaradda ayaa wada qorshe looga hor tegayo kalluumaysiga sharci darrada ah oo kalluunka ku jira xeebaha Soomaaliya ay wasaaraddu ka qaadeyso DNA si sharciga loola tiigsado dalkii lagu arko Dekadihiisa.