U bood dhigaalka

DFS Oo Dhagxaan Ku Jartay Isgoyska Zoobe Ee Muqdisho

Sheeko:Amniga

Shacabka ku dhaqan nawaaxiga isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa saakay kusoo baraarugay dhagxaan ay dowladda federaalka ku xirtay kala wareeggii Isgoyskaasi.

Gaadiidka ka yimaada dhanka KM-4 islamarkaana u socda dhanka Buulo-xubey ayaan suurtagal ahayn inuu ka leexdo Isgoyska Zoobe, wuuxna aadi doonaa dhanka Banaadir.

Sidoo kale, gaariga ka yimaada dhanka Buulo-xuubey una socda dhanka Isgoyska Banaadir ayaa kasoo wareegan doona Laami yaraha Zoobe ee Muqdisho.

Tani waxay sii keeni doontaa saxmad daran oo wadadan ah, iyadoo meelaha gaadiidka kasoo kala leexan doonaan ay tahay meello yar yar oo aan suurtagal ahayn gaadiid badan in si caadi ah isaga soo kala gudbaan.

Goobjoog News