U bood dhigaalka

DFS Oo Dhagxaanta Ka Qaadday Jidcadayaasha Muqdisho Qaarkood

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saakay waxay ku waabariisteen dhagxaan laga qaaday jidcadayaasha degmooyinka magaalada qaarkood.

Waxay dadku aad usoo dhoweeyeen in dowladda federaalka ay dib u furto jidcadayaashan la xiray wixii ka dambeeyay February 8, 2017, iyadoo dadkuna ay dhibaato ku qabeen.

C/xamiid Aadan waxa uu ka mid yahay maamulka iskuul uu aad u saameeyay dhagxaanta ku xiranaa waddooyinka, wuxuuna sheegay iney ka mahadcelinayaan cid walbo oo tallaabadan qaadday.

“Annaga dhibaato aad u xooggan ayaan ku qabnay, waayo iskuulka jidkii loo soo geli lahaa waaye, hadda aad baan ugu faraxsannahay arrintan” ayuu yiri C/xamiid.

Dhanka kale, Yaxye Maxamed Jaamac waxa uu ka mid yahay ganacsatada Soomaaliyeed ee saameynta ku yeelatay waddooyinka xiran,  waxaana uu sheegay in hadda shaqadiisa si wanaagsan u socoto.

Sidoo kale, arrintan furitaanka jidcadayaasha Muqdisho ayaa waxaa aad usoo dhoweeyay darawallada wada Mooto Bajaajta, waxaana ay sheegeen in ay tahay guul weyn, iyaguna shaqadooda dhiirogelin u tahay.

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in furitaanka waddooyinkan ay timid kadib markii ay soo noqt noqotay cabashada dadweynaha.

Goobjoog News