U bood dhigaalka

DFS Oo Diiwaangelinta Kala Noqotay Maraakiibta Iyo Doonyaha Wata Calanka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa diiwaangelinta kala noqotay dhammaan maraakiibta iyo doonyaha watey calanka Soomaaliya.

Wareegtada ayaa sidan u qorneyd:

Iyaddoo laga ambaqaadayo dardar-gelinta waajibaadka shaqo ee Wasaaradda u xilsaaran tahay sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo horumarinta nabad gelyada iyo badbaadada nolosha badmaridda waxay Wasaaradda soo saartay qodobadaan soo socda:-

1-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxay Baabi’isay/tirtirtay dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

 2-Dhammaan shahaadooyinka Diiwaan gelinta ee Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga kana diiwaan geshan Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waa in lagu soo celiyaa sida uu qabo Sharicga Badda Soomaaliyeed.

 3-Markabkii /Doontii ku qaadata Calanka Soomaaliyeed si aan waafaqsaneyn Sharciga Badda waxaa laga qaadayaa tallaabo waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa Caalamiga ahba.

 4-Wasaaradda waxay soo saari doontaa Xeer-nidaamin cusub oo lagu diiwaan gelin doono Maraakiibta iyo Doonyaha iyaddoo la hubinayo inuu buuxiyey sharruudaha uu tilmaamay qaanuunka, si loo oggaado Calanka Soomaaliyeed.

5-Milkiileyaasha Maraakiibta iyo Doonyaha u hoggaasami waaya qodobada ku xusan wareegtadaan waxaa si deg deg ah looga qaadayaa talaabo waafaqsaneyn Sharciga.”