U bood dhigaalka

DFS Oo Geysay Ciidamo Ka Tirsan Qeybta 14 October Deegaanka Basra

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi Fariisimo cusub ay ka sameysteen Ciidamo ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya kuwaasi oo xooginaya ciidamadii horay u joogay deegaanka.

Ciidamadan ayaa gaaraya ku dhowaad 300 oo Askari waxaa ayna dhowaan ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho iyaga oo tagay deegaanka Basra oo ay Maalmo ka hor dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay kala wareegtay xoogagga Alshabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada DFS ayaa sheegay in Ciidamadaan ay ka tirsanyihiin xoogga dalka gaar ahaan qeybta 14 October.

Dadka deegaanka Basra ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in Ciidamadaan ay gaareen deegaanka islamarkaasna ay Fariisimo Ciidan ay ka sameyteen gudaha Magaalada iyo duleedkeedaba.

Labadii Maalmood ee ugu dambeeyay waxaa ku sugnaa deegaanka Basra Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa AMISOM kadib markii laga saaray deegaanka Xarakada Alshabaab oo muddo Maamuleysay.

Goobjoog News