U bood dhigaalka

DFS Oo Hub Iyo Ciidan Geysay Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay gaartay diyaarado sidey ciidan badan oo ka tirsan DFS, kuwaasi oo laga qaaday magaalada Muqdisho.

Sidey inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, waxaa sidoo kale gaaray magaalada Dhuusamareeb ciidamada Danab oo iyagana ka tagay magaalada Gaalkacyo, waxaana ay wataan gaadiidka gaashaaman.

Ciidanka maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb oo aan tiro ahaan si sax ah loo hayn, ayaa wararku sheegayaan in ay ka badan yihiin ciidankii dhowaan ay DFS geysay magaaladaasi.

Ciidamadan ay dowladda ku daabuleyso Dhuusamareeb ayaa imaanaya xilli Ahlu-sunna Waljameeca ay aad u dhaliilsan tahay fulinta heshiisyadii DFS ay la gashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News