U bood dhigaalka

DFS Oo Ka Faalo Qaaday Agoonta Booliska

Sheeko:Dalka

Saraakiisha hoggaanka u ah Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa kormeer ku tagay xerada agoonta ee ciidamada Booliska Sarreeyo Guuto Maxamed Abshir Muuse.

Caruurta ku sugan Xarunta waxaa lagu barbaariyaa casharrada la xiriira wadaniyadda badanaa waxaa ay qaataan Casharro kala duwan oo ay ugu weyntahay in ay noqdaan jiil ku soo hano qaado gacan dowladeed si qarannimada dalka ay ugu noqdaan difaac.

Gen. Cali Xirsi barre oo ah guddoomiayah xerada agoonta ee Ciidamada Booliska ayaa sheegay in nolosha asaasiga ah ee carruta ay tahay mid wanaagsan xilligaan aysan ka fakareyn waxay cunaan.

“ Baahida koowaad ee xerada agoonta waa dhinaca Isboortiga Cunugga markii uu waxbarasho galo wuxuu u baahanyahay waqti iyo nasiino, waad ogtihiin dadka dunida waxaa ay maanta daneeyaan waa Isboortiga caruurteenana dadkaas ayey wax la wadaagaan”.

Kusimaha ciidamada Booliska Gen. Dayib Axmed ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay garab istaag loo sameeyo caruurta ay dhaleen Ciidamada Booliska .

“Iska dhaafee inaad wax siiso ee haddii subixii aad soo jarmaado oo madaxa u salaaxdo ajirka ku jira lama xisaabin karo “.

Xarunta Agoonta ciidamada Booliska ayaa dhowaan la dhisay iyada oo lagu xanaaneeyo caruurtii ay ka geeriyoodeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Goobjoog News