U bood dhigaalka

DFS Oo Ka Hortageysa Maraakiibta Shisheeye

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe lagu dhisayo ciidamo  ka hortaga Maraakiibta sida sharci darrada ah uga jilaabta xeebaha Soomaaliya.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya Cabdi Naasir Siciid, ayaa caddeeyay  in qorshahaan  uu yahay mid meel wanaagsan maraya, islamarkaasna dowladda ay ka hortageyso maraakiibta Sharci darrada ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in badda Soomaaliya ay dayacantahay maraakiibta shisheeyana kalluun sharci darro ay ka gurtaan waxaa uuna yiri.

“Baddeenna Soomaaliya dayac badan ayaa ka jira hadday noqon laheyd kheyraadkeeda oo si ku takri fal ah oo doomo ka socda dowlado shisheeye kalluun sharci darro ah ay gurtaan dhibaatooyinna ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed, waan ognahay kalluumeysatada Soomaaliyeed maanta dhibaatada ay ku soo qaataan kalluunka”.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa si sharci darro ah uga jilaabta Maraakiibta shisheeye waxayna arrintaasi culeys kala kulma Kalluumeysatada Soomaaliyeed oo mararka qaarkood ay Maraakiibta waxyeello u geysato iyaga iyo qalabkooda.

Goobjoog News