U bood dhigaalka

DFS Oo Laga Dalbaday Faah Faahinta Xarigga Roobow

Sheeko:Dalka

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa wuxuu dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday in sida degdeg ah ay sharaxaad buuxdo uga bixiso xarigii loo geystay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo sidoo kale wixii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Haysom ayaa la sheegay in uu warqad u qoray wasaaradda amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliy, iyadoo mas’uulkan uu sheegay in xarigga Roobow ay ku lug lahaayeen ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay, islamarkaana dhinteen 15 qof oo rayid ah.

Sidoo kale, qoraalkan ayaa lagu sheegay in arrimahaasi ka dhacay Baydhabo darteed loo xir-xirey 300 qof, kuwaasi oo ka carooday xarigga Abuu Mansuur.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in sababaha Roobow uga soo xireen magaalada Baydhabo ay tahay kadib markii uusan fulin qaar ka mid ah qodobo horey ugula heshiiyeen markii uu kasoo baxayey Al-shabaab.

Goobjoog News