U bood dhigaalka

DFS Oo Sheegtay In Ay Tirokoob Ku Sameyn Doono Ajaanibta Dalka Joogta

Sheeko:Dalka

Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamisay in tirakoob rasmi ah lagu sameeyo dadka ajaanibta ah ee kusoo qulqulaya gudaha dalka si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada ay ka samaynayaan gudaha dalka iyada oo la waafajinayo hannaanka qaxootiga iyo socdaalka ee u yaalla dunida.

Go’aankaan lagu ritakoobayo ajaanibta ayaa kasoo baxay kulankii sgalay ay yeesheen  golaha wasiirrada oo uu shir-gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, kaas oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiinta hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Fedaraalka.

Dowladda ayaa waxaa ay tilmaantay in wixii hadda ka dambeeyo tiro koob rasmi ah lagu sameyn doono Ajaanibta dalka joogto si loola socdo howlaha ay qabanayaan

Goobjoog News