U bood dhigaalka

DFS Oo Sheegtay In Duqeyn Ka Dhacday J/dhexe Lagu Diley Sarkaal Sare Oo Al-shabaab Ah

Sheeko:Amniga

DFS ayaa sheegtay in duqeyn 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacday gobolka Jubbada Hoose lagu diley sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Warbaahinta dowladda ayaa lagu baahiyey in weerarkaan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal uu ka dhacay meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Lama sheegin magaca iyo sidoo kale xilka uu sarkaalkan ka hayey Xarakada Al-shabaab, balse waxaa qoraalka lagu daabacay warbaahinta dowladda lagu soo koobay inuu ahaa sarkaal sare.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwo Maraykan ah ayaa inta badan gobollada Jubbooyinka ka fuliya howlgallo lagula dagaallamayo Al-shabaab.

Goobjoog News