U bood dhigaalka

DFS Oo Sheegtay Iney La Wareegeyso Ciidankii Uu Tababaray Imaaraadka

Sheeko:Dalka

Wasiirka difaaca ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in maalinta berri ah, kuna beegan 12-ka April ay si rasmi ah ula wareegi doonaan ciidamadii ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta.

Waxa uu sheegay wasiirka in la diyaariyey hadda qorshaha ciidamadan iyo sidoo kale Lambaradooda, lana siin doono maalinta berri ah.

Dowladda Imaaraadka ayuu wasiirka uga mahadceliyey tababarka ay ciidamadan siisay iyo sidoo kale ka qeybqaadasha dhismaha xerada tababarka ee Jeneraal Gordon.

“Tirakoobkii ayaan sameennay, waxaan rabnaa inaan ku aaddinno 12-ka April ciidanka ay hadda tababareen Imaaraadka laakiin ka tirsan xoogga dalka waxaa la siin doonaa lambar, mushaarkoodana waxaa mas’uul ka ah dowladda federaalka, dugsigaasi waa mid Tababar ah, mushaaraadka la siiya waa mid KMG ah, kadibna dowladda ayaa la wareegeysa, waxaan siinta Lambarada ku aadin doonnaa maalinta ciidanka xoogga dalka ee 12-ka April oo ku beegan maalinta berri ah, waajibkeenna waa in mushaarka ciidankeenna bixinno, waa mas’uuliyad ina saaran, dowladda Imaaraadka waan ugu mahadcelineynaa tababarka ay siisay ciidankaan iyo kaalinta ay ka qaadatay furitaanka xeradan” ayuu yiri wasiirka.

Imaaraadka Carabta ayaa tabobar siiyey askar badan oo ciidanka xoogga dalka ah, wuxuuna bixin jiray mushaarka ciidamadan.

Goobjoog News