U bood dhigaalka

DFS Oo Sheegtay Iney Qabatay Sarkaal Al-shabaab Ah

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigtay sarkaal ka tirsanaa xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in sarkaalkan laga soo qabtay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabellaha Hoose, 26-kii bishan kadib markii ay ciidanka isku gadaameen goob uu ku sugnaa.

Lama sheegin magaca sarkaalkan Al-shabaabka ah ee ay ciidanka dowladda gacanta ku dhigeen iyo sidoo kale waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa.

Maalmahan dambe, ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan waxa ay ka wadeen deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News