U bood dhigaalka

DFS Oo Sheegtay Iney Qabatay Sarkaal Al-shabaab Ah

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ciidanka ammaanka ka sameeyeen magaalada Muqdisho 21-kii bishan ku qabteen sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

Warbaahinta dowladda ayaa lagu shaaciyey in sarkaalkan uu Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan islaamarkaana ka tirsanaa Amniyaatka Al-shabaab,

Waxaa hadda lagu hayaa mid ka mid ah xarumaha baarista dowladda federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Lama shaacin magaca sarkaalkan, sidoo kalena warbaahinta looma soo bandhigin muuqiisa.

Goobjoog News