U bood dhigaalka

DFS oo Si adag u Cambaareysay Kufsigii Afgooye Loogu Geystay Gabdho Yar-Yar oo 3-Sano Jirro Ahaa

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa luuqad adag waxa ay ku cambaaraysay fal kufsi ah oo 30-kii Maarso ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose, kufsigaas oo loo geystay gabdho yar yar oo da’dooda lagu sheegay saddex sano jirro

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in falkaasi uusan hayn kufsi balse uu yahay tacaddi ka dhan ah aadanaha waxa uuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in dadka geystay falkaasi ay doonayeen in ay Soomaaliya  ka dhigaan meel aysan ka jirin bani’aadanimo.

“Waxaan eryada ugu adag, waxaan bani’aadam lagu tilmaami Karin ficilka ugu xun waxa sameeya ku cambaaraynaynaa ficilka ka dhacay Afgooye ee lagu waxyeeleeyay, lagu xad gudbay labo caruur ah oo sabi ah, waxa halkaa ka dhacay laguma sheegi karo Kufsi waa tacaddi iyo weerar loo geystay magaca Soomaaliyeed, loo geystay shacabka Soomaaliyeed qofkasta oo shacabka Soomaaliyeed ah ayaa wajigiisa ceeb lagu dhigay”ayuu yiri wasiir Maareeye.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta ayaa dalbaday in baaris xoog leh lagu sameeyo dadkii ka dambeeyay falkaasi gurracan isaga oo hoosta ka xariiqay in dadka falkaasi geystay ay yihiin dad la soo diray waxa uuna ku baaqay in sidoo kale gacanta lagu soo dhigo dadkii soo diray kuwa falka geystay.

“Waxaan amrayaa ciidamada in baaris aan xad lahayn lagu sameeyo la soo qabto wixii sameeyay, wixii soo dirayna la soo qabto waa la soo diray ee ogaada, shaki yar iigama jiro in dadkaasi la soo adeegsaday” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Gabdhahaan 30-kii Maarso lagu kufsaday degmada Afgooye ayaa haatan waxaa xaaladooda caafImaad lagula tacaalayaa isbitaalka Madiino ee magaalada muqdisho.

Goobjoog News