U bood dhigaalka

DFS Oo Si Kulul Uga Hadashay Dhibaatooyinka Lagu Hayo Soomaalida Ku Nool Koonfur Afrika

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul waxa ay uga hadashay dhibaatooyinka lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika, iyadoo baaqna u jeedisay Soomaalida ku nool wadankaasi.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka, ayaa lagu sheegay in dowladda ka xun tahay dhibaatooyinkan aadka usoo noq-noqday.

Sidoo kale, dowladda ayaa fartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfur Afrika, iney muujiyaan feejignaan iyo taxaddar dheeraad ah.

Halkaan hoose ka akhriso:

Goobjoog News