U bood dhigaalka

DFS Oo Soo Dhoweysay Wadahadalka u Socda ONLF Iyo Itoobiya

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay wadahadalka magaalada Nairobi uga socda maalintii Shanaad dowladda Itoobiya iyo sidoo kale jabhadda ONLF.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa isaga oo la hadlayey VOA, wuxuu sheegay in DFS ay soo dhoweyneyso tallaabo walbo oo loo qaado dhanka nabadda.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay ay wadahadal kasta oo nabad ah keenayana xasilooni gobolka ah ay dowladda Soomaaliya taageereyso sidoo kalena soo dhoweyneyso.

“Annaga waxaan u aragnaa wadahadal kasta oo nabad, wanaag iyo xasilooni keenaya gobolka ama dal kamid ah dalalka gobolka inuu yahay mid faa’ido leh, waana soo dhoweyneynaa, waana taageereynaa” ayuu yiri wasiirka.

Maalintii Shanaad waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya wadahadal uga socdaa dowladda Federaalka Itoobiya iyo sidoo kale ONLF.

Goobjoog News