U bood dhigaalka

DFS Oo War Kasoo Saartay Heshiis La Sheegay In Lala Galay Shirkad Laga Leeyahay Imaaraadka

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay heshiis la sheegay in wasaaradda difaaca ay la gashay shirkad lagu magacaabo SKA oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

War-saxaafadeedkan oo uu ku saxiixnaa ku simaha wasiirka wasaaradda warfaafinta ahna ku xigeenka wasaaraddan ayaa lagu sheegay in in dowladda ay caddeeneyso in heshiiska lala galay SKA aanu ahayn mid waafaqsan habraaca dowliga ah ee ay dejisay wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa lagu xusay qoraalkan inuu sheegay in heshiisyada noocaan oo kale ah ee lala galo shirkado gaar loo leeyahay ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka:

Goobjoog News