U bood dhigaalka

DFS Oo Xil u Magacawday Fanaanka Nimcaan Hilaac

Sheeko:Dalka

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta oo Taariikhdu tahay 11/06/2019 loogu oggaaladay in uu kamid noqdo Hoballada Waaberi , Nimcaan C/raxmaan Xasan, (Hillaac).

Warqaddan kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale waxaa Nimcaan C/raxmaan Xasan, loogu Magacaabay in uu noqdo, Agaasimaha wax soo saarka iyo howlgelinta Hoballada Waaberi.

Wasiirka warfaafinta, ayaa isla wareegtadan xilkii Agaasinnimo uga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi , Maxamed Xasan Barrow.

Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi ayaa loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xidhka Kooxaha heer Qaran.