U bood dhigaalka

DFS: Waa Lasoo Afjaray Weerarkii SYL

Sheeko:Amniga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in xalay saq dhexe lasoo afjaray weerarkii ay xubno Al-shabaab ah ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa ahaa mid bilowday fiidkii hore ee xalay, iyadoo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.

Af-hayeenka dawladda Soomaaliya, Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in la dilay dhammaan xubnihii weerarkaasi soo qaaday, kuwaasi oo tiro ahaan ahaa 5 nin.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in ay dhinteen Shan qof oo ay ku jiraan Labo ruux oo shacab ah iyo saddex ka mid ah ciidanka dowladda ee waday howlgalkii badbaadinta.

Dadka waxyeelladu ay soo gaartay waxaa ku jira xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka, kuwaasi oo ku sugnaa Hotelka SYL.

Hotelka SYL ayaa ku dhow madaxtooyada qaranka, waxaana halka uu ku yaallo tahay meel ammaankeeda aad loo adkeeyo.

Goobjoog News