U bood dhigaalka

DFS: Waxaa Qaraxii Ex-control Afgooye Ku Dhintay In Ka Badan 26 Qof

Sheeko:Dalka

Wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaraxii saakay ka dhacay Ex-control Afgooye ay ku dhinteen in ka badan 26 qof, kuna dhaawacmeen 60 ruux.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Ismaaqiil Muqtaar Cumar (Orange) oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen in ka badan 26 qof halka ay ku dhaawacmeen 60 qof, waa sida ay baahisay warbaahinta qaranka.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in tirada dadka ku dhintay ay intaas ka sii badan karto, waxaana gawaarida gurmadka degdega ah ay ku howlanyihiin sidii dadka loo geyn lahaa xarumaha caafimaadka ee Muqdisho

Gaari BL ah oo ay saarnaayeen Arday dhigata Jaamacadda Banaadir ayaa khasaaraha ugu badan uu soo gaaray, waxaana ku dhintay inta badan dadkii gaariga saarnaa.

Xiliga ay wax dhacayeen oo aroor ah ahayd  ayaa waxaa dadka ay intooda  badan aadayeen  goobahooda  shaqo iyo waxbarasho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News