U bood dhigaalka

Dhaarinta Guddoomiye Mursal Kadib, Akhriso 10 Qodob uu Ka Ballanqaaday Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan isaga oo lagu wado inuu guda-galo shaqo howleedka golaha shacabka iyo fulinta barnaamijkiisa siyaasadeed.

Haddaba, Goobjoog New waxaa ay akhristayaasheeda xusuusineysaa khudbaddii uu Mursal ka horjeediyay golaha shacabka April 26, 2018, isaga oo xilligaasi ahaa murashax ayuu golaha soo hordhigay barnamij ay tahay inay kula xisaabtammaan fulintiisa sanadaha soo socda.

Akhriso 10 Qodob uu Ka Ballanqaaday Golaha Shacabka:

1. Ku Dhaqanka Dastuurka Dalka Iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka: Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu khudbadii murashaxnimada ku ballan-qaaday inuu u hoggaansami-doonno dastuurka dalka iyo xeer-hoosaadka golaha shacabka iyo in howlaha galaha shacabka noqdaan kuwoo waafaqsan dastuurka KMG ah ee dalka iyo xeer-hoosaadka golaha shacabka.

2. Dhameystirka Howlaha Golaha Shacabka: Waxaa Maxamed Mursal ballan-qaaday sidii loo dhameystiri lahaa howlaha qabyada u ah baarlamaanka sida ansixinta xeerarka muhiimka u ah xukuumadda iyo ka miro-dhallinta in dalku nidaam doorasho oo xor ah si shacabka Soomaaliyeed u go’aansadaan in talada dalka ay u doortaan shakhsigii ay doonaan.

3. Ilaalinta Xasaanadda Golaha Shacabka JFS: Maxamed Mursal waxaa uu sheegay inuu ilaalin-doonno xasaanadda dhammaan xubnaha golaha shacabka, isaga oo intaasi raaciyay in aanu ogolaan-doonin in lagu xad-gudbo karaamada xildhibannada golaha shacabka dhinac kasta sida uu qabo qodobka 70aad, faqradiisa 1aad ee dastuurka KMG ah:  sida ilaalinta karaamada, codka, aragtidooda iyo soo-jeedintooda si waafaqasan dastuurka KMG ah iyo xeer-hoosaadka golaha shacabka.

4. Daryeelka Caafimaadka Xildhibaannada Iyo Qoysaskooda:  Maxamed Mursal waxaa uu Xildhibaannada u sheegay inuu ka shaqeyn-doonno sidii xildhibaannada u heli lahaayeen daryeel caafimaad iyaga iyo qoysaskooda iyo inuu ku dadaali-doonno inay xildhibaannada helaan daryeel caafimaad oo joogta ah iyaga oo kuwa hadda xanuunsanna ay heli-doonaan gurmad caafimaad oo degdeg ah, waxaa kale oo uu ka hadlay in xildhibaannada heli-doonaan xuquuqdooda gaar ah sida mushaaraadkooda iyo waxa kale ee ay xaqa u leeyihiin.

5. Ixtiraamka awoodaha golaha shacabka ee JFS:  Maxamed Mursal waxaa uu khudbadiisa ku ballan-qaaday inuu ixtiraami-doonno awoodaha uu golaha leeyahay sida dejinta sharciyada iyo ansixintooda, la xisaabtanka hey’adaha fulinta ee dalka sida uu qabo qodobka 69aad, faqradiisa 1aad xarafka “A” ee dastuurka KMG ah oo qeexaya in golaha shacabka uu leeyahay awood sharci-dejin kaas oo ah inuu ansixiyo, wax ka badalo ama diido sharciyada la horkeenno iyo ixtiraamka awoodaha kale ee dheeriga ah ee golaha shacabka ee ku xusan isla qodobkaas, faqraddiisa 2aad xarafka“B” ee dastuurka KMG ah kaas oo qeexaya awoodda la xisaabtanka iyo korjoogteynta  ee hey’adaha dowladda heer qaran gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqan-gelinta sharciyada dalka.

6. Wada-shaqeynta Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka: Maxamed Mursal waxaa uu ballan-qaaday inuu wada-shaqeyn dhow la yeelan-doono xubnaha kale ee guddoonka golaha iyo guddoomiyeyaasha guddiyada golaha shacabka, isaga oo intaasi raaciyay in maamulka golaha iyo howlihiisa noqon-doonaan kuwoo ku saleysan wada-shaqeyn iyo la tashi iyo in go’aannada la xiriira maamulka noqon-doonaan kuwoo ay isku waafaqsan yihiin xubnaha guddoonka si looga baaqsado inay dhacdo isku dhex-yaac dhinaca maamulka ah.

7. Iskaashiga Golaha Shacabka, Golaha Aqalka Sare Iyo Gololayaasha Shacabka Ee Maamul Goboleedyada  Dalka: Maxamed Mursal waxaa uu ballan-qaaday inuu xiriir dhow la yeelan-doonno aqalka sare ee dalka iyo goleyaasha shacabka ee maamul goboleedyada, xiriirkaas oo noqon-doonno mid ku saleysan wada-shaqeyn iyo iskaashi si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u taalla.

8. Wada-shaqeynta Golaha Shacabka Ee Hey’adaha kale ee Dowladda:  Maxamed Mursal waxaa uu khudabdiisa ku ballan-qaaday inuu wada-shaqeyn la yeelan-doonno dhammaan hey’adaha dowliga ah si waafaqsan dastuurka KMG ah ee JFS, isaga oo sheegay in uu la socon-doono shaqada fulinta si loo hubiyo inay shacabka helaan adeegyadii ay dowladda ka sugayeen.

9. La-socodka Dareenka Shacabka Soomaaliyeed:  Maxamed Mursal waxaa uu ballan-qaaday inuu la socon-doonno dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo inuu xubnaha ku baraarujin-doonno waxa shacabka rabaan, maadaama sida uu sheegay baarlamaanku yahay mid matala guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isaga oo golaha la wadaagi-doonna cabashooyin ay Shacabka Soomaaliyeed qabaan si golaha uga doodaan isla markaana looga qaado tallaabooyin ku haboon si waafaqsan dastuurka KMG ah ee dalka.

10. Xoojinta Xiriirka Dibadda Ee Golaha Shacabka JFS:  Maxamed Mursal waxaa uu kaloo ballan-qaaday inuu xoojin-doonno xiriirka golaha shacabka la leeyahay baarlamaannada caalamka, dar-dar-gelinta dib u dhiska xarumaha golaha shacabka iyada oo la raacayo heshiisyadii horay loo galay

Goobjoog News