U bood dhigaalka

Dhaawaca Injineeradii Turkiga oo La Qaaday

Sheeko:Amniga

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saakay laga duuliyey dhaawacyada Injineero u dhalatay wadanka Turkiga, kuwaas oo ku dhaawacmay qarax 18-ka bishan lagula eegtay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha hoose.

Diyaada laga lahaa dalka Turkiga ayaa qaaday dhaawacyada oo tiradoodu gaareyso ilaa 9 ruux, sidoo kale waxaa lala qaaday dhaawacyada askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaas oo ku dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa.

Injineeradaan ayaa ahaa kuwo ku howlanaa dhismaha wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye oo dhismaheeda ay qaadatay shirkad laga lahaa dalka Turkiga, waxaana qarash gareynaya dowladda Qadar oo saaxiib dhow la ah dowladda Soomaaliya.

Kooxaha caafimaadka oo saarnaa  nooca diyaaradaha A400M ee militariga ayaa timid si ay u qaado 3 Turki ah iyo 6 Soomaali ah, waxaana amarka bixiyey Erdogan.

 Dec. 28, ugu yaraan 85 qof oo ay Turki ku jiraan ayaa sidoo kale ku dhintay  halka 150 dhaawucu gaaray qarax ka dhahay Exkoontarool Afgooye.

Goobjoog News.