U bood dhigaalka

Dhaawacyada Daran Ee Qaraxii Ex-control Afgooye Oo Turkiga Loo Qaadayo

Sheeko:Dalka

Dowladda Turkiga oo ka jawaabaysa dhibaatadii ka dhalatay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa degdeg kusoo dirtay diyaarad aad u weyn oo sidda daawo, laguna qaadi doono dhaawacyada daran.

Diyaaradan waxaa sidoo kale la socda dhaqaatiir kaalin mug leh ka qaadan doona daweynta shacabka Soomaaliyeed ee dhaawacyadu soo gaareen.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wafdigaasi dhaqaatiirta ah,iyagoona guddoomay daawooyinkii dowladda Turkigu ay ugu talagashey dadkaasi dhaawacyada qaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda walaalaha aanu nahay ee Turkiga sida walaaltinimada leh oo ay ugu taagan tahay ka jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah xiliyada ay musiibooyinku ay geystaan kooxaha argagixisada ee Alshabaab.