U bood dhigaalka

Dhaawacyadii Laga Qaaday Muqdisho Oo La Geeyey Ankara

Sheeko:Dalka

Magaalda Ankara ee dalka Turkiga waxaa la gaarsiiyay 16 kamid ahaa dhaawacyadii ku waxyeelloobay qaraxii argagaxiso ee ka dhacay Ex koontarool Afgooye ee magaalda Muqdisho.

Dhaawacyadaan oo ahaa kuwii ugu liitay dadka dhaawacmay ayaa waxaa la gaarsiiyay dalka Turkiga si loogu dabiibo halkaas,hayeeshee wararka naga soo gaaraya Turkiga ayaa sheegaya in Aamina Cusmaan Kheyre oo ka mid aheed dhaawacyada culus ee dalkaas loo qaaday ay geeriyootay intii loo sii waday Isbitaalka.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga  Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay garoonka uga hortageen dhaawacyada iyaga iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas.

Safiirka ayaa intaas ku daray in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ay u diyaar garowday sidii ay uga qeyb qaadan la haayeen caawinta dhaawacyada,isagoo tilmaamay in Jaaliyaddu ay lacag iska aruurisay si ay gurmadka qeyb uga noqdaan.