U bood dhigaalka

Dhaawacyadii Ugu Badnaa Ee Weerarka Hotelka Saxafi Oo La Geeyay Isbitaalka Madiina

Sheeko:Dalka

Dadkii ugu badnaa ee ku dhaawacmay weerarkii saaka lagu qaaday hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Dadkaan oo u badan shacab qaarkood wadada marayay markii uu qaraxa Ismiidaaminta ah dhacayay ayaa la sheegayaa in dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News, oo booqday Isbitaalka Madiina ayaa loo xaqiijiyay in halkaasi la geeyay 1 qof oo Meyd ah iyo sidoo kale 27 qof oo dhaawac ah.

Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa aad ugu mashquulsan daweynta daweynta dadkaan dhaawaca ah.

Dhinaca kale weli waxaa rasaas laga maqlayaa Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay soo weerareen rag ka tirsan Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News