U bood dhigaalka

Dhacdooyinka 2015: 110 Saxafi oo Sanadkan 2015 ku geeriyootay Dunida

Sheeko:Dalka

110 Saxafi ayaa geeriyootay sanadka 2015,sida uu faafiayay ururka saxafiyiinta aan xuduuda lahayn, saxafiyiintaa ayaa ku dhintay sababo la xiriirta hawlaha xirfadooda shaqo ama xaalado laga shakisan yahay.

Ururku waxa uu carabka ku adkeeyay in dilka 67 kamid ah ay sabab u tahay noocooda shaqo ee warbaahinta ama waxay geeriyoodeen iyagoo si toos ah ugu guda jira shaqadooda, taas oo ka dhigeysa tirada guud 787 saxafi oo geeriyootay illaa sanadkii 2005.

Warbixinta ayaa lagu xusay:”xaaladaha kale waa kuwo laga shakin karo sababtii dhalisan geerida ,waxaana tiradii hore aan ku dareynaa dilal loo geystay 27 suxufi oo muwaadiniin ah iyo 7 qof oo iyaga la howl galeysay”.

Ururka ayaa u aqoonsaday dalka Faransiisku inuu yahay dalka sadexaad ee loogu dilka badan yahay Saxafiyiinta sanadka 2015,waxaan kaga horeya oo kaliya Hidiya iyo Ciraaq ,Waxaana u sabab ah weeraradii lala beegsaday xarunta wargeyska Charlie Hebdo ee magaalada Paris taas oo xaalada badashay marka loo eego sandkii hore. Sanadkii hore 2014 sadex meelood oo meel kamid ah wariyayaashu waxay ku dhinteen goobo dagaal, laakiin sanadka 2015 tiraad oo kale ayaa ku dhimatay goobaha nabadda ah oo aanay colaaddu ka jiran ,waana sida warabixinta lagu xusay.

Christophe Deloire oo ah xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta aan xuduuda lahayn ayaa sheegay “in aanay jirin wax ku tusinaya in lagu dhaqmayo qaanuunka dowliga ah markii dhab ahaan loo eego qodobka ku saabsan ilaalinta suxufiyiinta oo cid ku dhaqmeysaa aanay jiri”, kooxo badan ayaa si toosa u dilay saxafiyiinta iyadoo ay jiraan dowlado farabadan oo aan ballan qaadyadooda filineyn ee xaga ilaalinta saxafiyiinta”.

Deloire ayaa carabka ku adkeeyay”Dilka 110 saxafi sanadkan oo kaliya waa inuu dhaliyaa jawaab celin degdeg ah oo la jaan qaadaysa xaaladda jirta, waxaa loo baahan yahay in la sameeyo Ergay gaar ah oo xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Ilaalinta saxafiyiinta sida ugu dhaqsiyaha badan.

Goobjoog News