U bood dhigaalka

Dhacdooyinkii Ugu Muhiimsanaa Puntland Ee January 2016

Sheeko:Dalka

Goobjoog News waxay idiin soo gudbineysaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay deegaanada Puntland bishii tagtay ee January 2016.

January 2, 2016: Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa ka furmay shir ballaaran oo la sheegay inuu yahay mid lagula xisaabtamayo dhammaan wasiirada maamulkaasi.

Shirkaan oo socon doona muddo Afar maalin ah ayaa maalin walba waxaa su’aalo lagu weydiin doonaa dhowr wasiir kuwaasi oo sharaxaad ka bixin doona waxyaabaha u qabsoomay iyo sidoo kale qorshahooda waxa uu yahay.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shirkani furay ayaa sheegay in la ogaan doono wasaaradii shaqo u qabatay shacabka Puntland iyo sidoo kale midda aan waxba qaban.

January 8, 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada Boosaaso ayaa maanta lagu wadaa inuu xariga ka jaro garoon diyaaradeed oo Boosaaso laga furayo.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka degey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo maanta si rasmi ah magaalada uga furi doona garoon diyaaradeed oo cusub oo caalami ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Gaas, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka, maamulka Puntland, iyo shacabka magaalada Boosaaso.

January 24, 2016: Darawallada gaadiidka ee magaalada Boosaaso ayaa ka cabanaya ciriiri badan oo ka jira waddooyinka magaaladaasi.

Mashquul aad u badan ayaa laga dareemayaa waddooyinka Boosaaso, waxaana mararka qaar dhacda in wadadu ay xiranto.

Mid ka mid ah darawallada cabashada qaba oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wadada dhexdeeda ay soo galeen ganacsato, iyo sidoo kale shacabka oo Laamiyadda si caadi ah isaga dhex maraya.

January 24, 2016: Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa  soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka lagu go’aaminayo nooca doorasho ee ka dhacaysa dalka sanadkan 2016-ka.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in madaxda Federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyada ay isku laabanayaan si ay isugu raacaan nooca doorasho ee dalka ka qabsoomaysa.

January 25, 2016: Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga digay siyaasiyiinta Puntland inay marin habaabin ku sameeyaan nidaamka doorasho ee dalka u baahan yahay xilligaan.

Waxaa uu tilmaamay in dadka looga baahan yahay in aanay dhageysan siyaasiyiin uu sheegay inay ka hadlayaan Idaacadaha islamarkaana marin habaabin ku wada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaan dadka u sheego in niman siyaasiyiin ah oo fashilmay oo maalmahaan idaacadaha ka hadlayay ay dadka wareeriyaan, waxaan idiin sheegayaa in aan annagu xambaarsannahay aragtida shacabka Puntland” ayuu yiri Gaas.

January 27, 2016: Maamulka Puntland ayaa sheegay in gebi ahaanba uu fashil ku dhammaaday Shirka Madasha heerka qaran ee ka socday magaalada Muqdisho.
War maanta uu siiyay warbaahinta afhayeenka maamulka puntland Cabdulahi Maxamed Jaamac Quraan jecel ayuu ku sheegay inuu hakad ku yimid shirka madasha wada-tashiga qaran ee lagu go’aaminayay nuuca doorasho ee sanadan 2016 ka qabsami doonta dalka.

Goobjoog News