U bood dhigaalka

Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ciyaaraha Dalka Iyo Sanadkii Tagay 2018

Sheeko:Cayaaraha

Sanadkii tagay 2018 waxaa wadanka ka dhacay dhacdooyin badan oo horumar u ah guud ahaan ciyaaraha waxaana guulaha la gaaray sanadkaas soo dhaweeyay dadka jecel horomarka iyo kobac isboortiga dalka.

02-Janaayo 2018-Garsoorayaasha kala ah Cumar Cabdi qaadir Cartan,Maxamed Nuur Muxidiin,Xasan Xuseen Macow iyo Nuur Cabdi Maxamed ayaa u soo gudbay heerarka caalami ee FIFA iyo CAF.

17-Janaayo 2018-Wasaarada Warfaafinta Dowladaa Soomaaliya ayaa ku guulaystay in dib loo soo nooleenayay kooxda kubadda cagta Madbacadda Qaranka waxaana magacan qaatay kooxda FC Banaadir oo sanadii 2017 hanatay horyaalka heerka labaad.

01-Febaaryo 2018-Kullan loogu tashanayay sidii dib loogu soo cellin lahaa kooxdii Muqdisho ama Minishiibiyo ayaa lagu qabtay Muqidsho waxaana soo agaasimay ciyaartooydii Dowlada Hoose Xamar iyo Maamulka Kooxda Banaadir SC

14-Febraaayo 2018-Gabdhaha kooxda Heegan ayaa ku guuleystay horyaalka kubadda gacanta

17-Febraayo 2018-Wiilasha Kooxda Heegan ayaa iyagana ku guuleystay horyaalka kubbadda gacanta

25-Febraayo 2018-Kooxda Antalya ee ka dhisan dalka Turkiga ayaa agab Isboortis guddoonsiisay naadiga L.L.P Jeenyo oo ka mid ah kooxaha ugu weyn kubbadda cagta Soomaaliya.

02-April 2018-Waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dagay halyeyga olimbikada Soomaaliya Cabdi Bile Cabdi,Bile ayaa hore ugu guuleystay orodka 1500m ee ka dhacay 1987-dii magaalda Roma  ee dalka Taliyaaniga.

03-April 2018-Orodyahan Cabdi Bile Cabdi ayaa Muqdisho kula kulmay Wasiirada ciyaaraha Maamul-Goboleedyada,Dowlada Dhexe iyo sidoo kale xiirarada kala duwan ee dalka ka dhisan.

6-April 2018- Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha,Maamulka Gobolka Banaadir iyo gudiga Olympikada ayaa Muqdisho ku qabtay tartanka Muqdisho Maradon waxaana ka qeyb galay illaa 357 dhalinyaro oo matalaye 17ka Degmo ee Gobolka Benaadir.

08-April 2018- Raisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay halyey oradyahan Cabdi Bile Cabdi waxayna ka wada hadleyn horomarinta isboortiga dalka.

13-April 2018:-Tababarahii hore kooxaha Dekedda iyo Elman Cabdi Joon ayaa iska casilay xilkii macalinimo ee Elman wuxuuna kooxda u suura geliyay hanashada Jeneraal Daa’uud Super Cup.

14-April 2018-Macalinkii kooxda Gaadiidka C/Raxmaan Taree ayaa loo magacaabay shaqada kooxda Elman,markii booskaas uu baneeyay Cabdi Wali Max’ud Max’ed .

14-April 2018-Macalin Cabdi Joon ayaa afar sano ka dib ku laabtay kooxdiisii hore Horseed wuxuuna shaqadaas ka badalay Cumar Cabdi Naasir Caruus oo haray u hayay jagadaas.

20-April 2018-Xidigaha xulkeena ee da’yarta ayaa kulankii ugu dambeeyay heerka Group-yada ee Cecafa 1-0 kaga badiyay dhigooda Kenya waxaana goolkaa dhaliyay Farxaan

24-April 2018-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in gudoomiyaasha isboortiga Gobolka ay noqdeen kuwa mushaari si loo horomariyo tartammadda Gobolka Banaadir.

25-April 2018-Xulkeena Soomaaliya ayaa afar dhamaadka Bariga iyo Bartamaha Afrika 1-0 ugu badiyay dhigooda Uganda waxaana goolkaa dhaliyay laaciibkii hore degmada Hodan iminka ka tirsan kooxda Horseed Farxaan Maxamed Axmed.

29-April 2018-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa taleefanka kula hadlay tababare Salaad iyo ciyaartoyda xulka ka hor inta aysan wada ciyaarin da’yarada dalkeena Soomaaliya iyo Tanzania kulankii Fiinaalka 2018.

29-April 2018-Da’yarta Soomaliya iyo Tanzania ayaa wada dheelay fiinalka tartanka ciyartooyda ay da’dooda ka yartahay 17-jiradda waxaana 2-0 koobka ku hantay Tanzania.

01-May 2-018-Xulka da’yarta dalkeena Soomaaliya ee kaalinta 2-aad ka galay tartankii 17jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018 ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalda Muqdisho waxaana soo dhaweyntooda ka qeyb qaadatay madaxda ugu saraysa wadanka.

03-May 2018-Madaxweynaha dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqalka madaxtooyda kulan dhiirigelin iyo bogaadin kula qaatay xulkii da’yarta ee gaaray fiinaalka koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika wuxuuna ugu mahad maqaaka ay gaarsiiyeen magaca Soomaaliya.

06-May 2018-Guddoomiye ku xigeenka 1aaad xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa dalka Jabuuti kaga qayb galay shir loogu hadlayay habsami u socodka tartanka kooxaha Jaamacadda carabta wuxuuna  ka dhacay Jabuuti.

09-May 2018-Kooxda Kubbadda Cagta Dekedda ayaa ku gulaystay horyaalka Somali Premier League oo markii kowaad laga dhaqan geliyay dalka waxayna sidoo kale ku guulaystay sanadkii labaad oo xariir ah.

29-May 2018-Weeraryahanka Koooxda Elman Anwar Sayid Cali ayaa ku guulaystay gool dhallinta horyaalka Somalia Premier League,isagoo ku qaaday 18-gool waxaana labaad galay Feysal Xasan

30-May 2018-14 sanno kaddib kooxda Midnimo ayaa ku guulaystay horyaalka heerka labaad ee waxayna usoo gudubtay ayaa kusoo laabtay horyaalka Somali Premier League.

06-June 2018:- Dalka Ruushka Waxaa loo diray saddex cayaaryahan oo kala ahaa Zakariye Axmed Maxamed, Cali Maxamed iyo C/Raxmaan Max’ud waxayna halkaas ugu qeyb galeyn barnaamij ay soo qaban qaabisay ha’adda kubbadda cagta aduunka ee FIFA.,iyadoo lagu casuumay 2011 dal oo caalamka

10-June 2018-Gudoomiyaha X.S.K.Cagta C/qani Saciid Carab,Gudomiye ku xigeyn 1-aad Cali Shiine iyo Cali Saciid oo ka mid bare sare oo Fifa ah ayaa gaaray dalka ruushka,iyagoo ka mid ahaa mas’uuliyeentii ka qeyb gashay furitaanka dhacdada koobka addunka 2018.

16-June 2018-Gudoomiyaha X.K.Cagta caalamka Gianni Infantino ayaa Ruushka kula kulmay madax ka socotay X.K.cagta Soomaaliya waxaana laga wada hadlay horomarinta ciyaaraha kubbadda cagta Soomaaliya.

23-June 2018-Da’yarta Kooxda Elman ayaa ku guulaystay tartanka dhalinyaradda oo ay soo agaasimeyn X.S.K.Cagta waxayna kama dambeysta la ciayareyn dhigooda Banaadir SC

25-June 2018-Xiriika kubbadda cagta Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furmay horyaalka Iskuuladda oo ay kasoo baxeyn ciyaartooy wax tar leh waxaana ka qey galay14-Naadi

12-July 2018-Qoraal ka soo baxay X.K.cagta ayaa lagu cadeeyay xidigaha ajaanibta ee ka ciyaaraha gudaha aysan ka qeyb galin tartanka xidigaha oo kolkii kowaad la qabtay.

20-July 2018-Tartanka kubbadda cagta Star League ayaa ka furmay Muqdisho waxaana ka qeyb galay lixda koox ee ugu saraysay shaxda kala horeynta  horyaalka Somali Premier League.

21-July 2018-Soomaaliya ayaa guulo kasoo hoysay ciyaaraha da’yarta qaaradda Africa oo ka dhacay dalka Algeria tartanka oo ahaa kii saddaxaad ayaa waxaa ka qayb galay 53 dal oo qaaradda afrika waxaana Soomaaliya uga qayb gashay ciyaaraha Fudud iyo Taekwondo-ga

22-July 2018:-Muqdisho waxaa ka furmay tababarka tababarayaasha kubbadda Kolayga darajada Koowaad (Technical Course For Basketball Coaches Level One), waxaa tababarkan soo qaban qaabiyay Guddiga Olombika Somaaliyeed oo kaashanaya Olympic Solidarity waxaana tababarkan bixinaya qabiir ka socda Xiriirka kubbadda Kolayga Adduunka ee (FIBA).

24-July 2018-Guddiga Olombika Soomaaliyeed GOS ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Xuska Maalinta Olombika Adduunka (Olympic Day), waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ugu saraysa isboortiga.

25-July 2018:-Iskuulka Aqoonbile ayaa ku guuleystay tartanka Iskuulada degmada Kismaayo waxaana kulankii kama dambesyta wada ciyaara iskuulada Axmed Bin Xambal iyo Aqoon Bile

28-July 2018-Goolhayihii hore xulka qaranka iyo kooxaha kubbadda cagta L.L.PJeenyo iyo Elman Axmed Cabdalla Macalin ayaa ku ku geeriyooday dalka Turkiga

31-Julyo 2018:-Allaha u naxariistee goolhayihii waxaa wadanka Turkiga lagu aasay gool haye Axmed Cabdalla oo ka mid Ciyaartooydii usoo ciyaartay xulka qaranka kubbadda cagta dalka. 01-August 2018-Kooxda Elman war saxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay in Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) loo magacaabay gudoomiyaheed cusub afarta soo aadan

02-August 2018-Wiilasha degmooyinka kubbadda kolayga Hodan iyo Wadajira ayaa wada ciyaaray fiinaalkii tartanka raga degmooyinka 2018 waxaana kulankaa 43-45 guusha iyo koobka isku darsaday degmada Wadajir

02-August 2018-Gabdhaha Degmada Shibis ayaa ku guulaystay tartankii kubbadda kolyaga haweenka waxayna fiinalka la ciyaareyn dhigooda Wadajir

03-August 2018-Kooxda Kubbada Cagta ee Kasiima ayaa ku hanatay horyaalka kooxaha Jubbaland 2017/2018 oo ay soo qaban qaabiyeeyn X.K.Cagta Maamulka Jubaland.

10-August 2018-Tartanka kubbadda cagta Star Leagu Oo Muqdisho Furmay waxaana ka qeyb galay lixda naadi ee ugu saraysay horyaalka Somali Premier League olihii hore 2017-2018

18-August 2018-27-sano ka dib maamulka Isboortiga Koonfur Galbeed ayaa ku gulaystay hagaajinta garoonka kubbadda Kolayga Darbane Muudeey ee magaalada Baydhabo

22-August 2018-Macalin Maxamed Cabdulle Farayare ayaa safar shaqo ku tagay magaada Gaal Kacyo waxaana si weyn degaanada Maamulka Galmudug ugu soo dhaweeyay bahda isboortiga Maamulkaas

23-August 2018-Gudoomiyaha cusub ee naadiga Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa la wareegay xilkii loo magacaabay wuxuuna xilka kala wareegay C/qaadir Jaamac Maxamed,wuxuuna sheeegay in uu ku farax sanahay magacaabida kooxda ugu guulaha badan

24-August 2018-Tartanka Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa ka furmay caasimada Muqdisho waxaan ciyaartii furitaanka wada dheelay Waaberi iyo Dharkenlay

26-August 2018-Tartanka kubbadda degmooyinka Galmudug ayaa laga daah furay garoonka Cabdullahi Ciise ee degmada Gaalkacyo waxaana ka qeyb galay lix degmo waxaana soo abaabulay X.K.Cagta.

27- August -2018-Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Garoonka Stadium waxayna booqashadii keentay maal ka dib in ay iskaga baxaan ciidamada Amison

28-August 2018-Ciidama AMISOM ayaa ka guuray tuulada ciyaaraha ee Stadio Muqdisho waxaana lagu wareejiyay ciidamada booliska dowladda waxaana arinka soo dhaweeyay bahda ciyaaraha oo baahi badan u qabay sanadihii lasoo dhaafay.

30-August 2018-Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayer iyo booqaal dhalinyaro ayaa garoonka Stadium Muqdisho ka sameeyay howlo nadaafadeed ka dib markii ay ka baxeyn ciidamada Amison,Khayre waxa uu sheegay in Stadium Muqdisho lagu dhisayo is-xilqaan.

30-August 2018-Kooxda kubbadda Elman ayaa hanatay koobka Star League oo kolkii laga dhigay dalka waxayna kula hardantay lixdii koox ee ugu horeesay horyaalka kubada cagta

 06-Septemer 2018-Degmada Gaalkacyo ee Galmudug waxaa lagu soo gunaanaday koobkii degmooyinka Galmudug, kaasoo ay soo agaasimeyna wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada iyo xiriirka kubbadda cagta dowlad goboleedka Galmudug waxaana ku guulasytay kooxda Gaalkacyo

09-September 2018-Degmada Waaberi ayaa sanadkii afaraad usoo baxday Semi fiinalaha tartanka kubbadda cagta degmooyinka ka dib markii ay 1-0 kaga adkaatay Boondheere.

11 September 2018- Cabdi casiis Catoosh ayaa ka tagay kooxda Heegan,isagoo dib ugu laabtay kooxdiisa Dekedda oo la hantay horyaalka  Somali Premier League fasal ciyaareedka 2016-2017.

13-Septemer 2018-Max’ud Cabdi Mayman ayaa ka dhaqaaqay kooxda Elman wuxuuna heshiis la gaaray naadiga Horseed wuxuuna Elman la qaaday Koobabka kala ah Jeneraal Daa’uud iyo Somali Super Cup

15-Septemer 2018-Waaberi ayaa sanadkii afaraad usoo baxday fiinalaha tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir ka dib markii ay 1-0 kaga badisay kooxda Hodan

16-September 2018-Kooxda Shibis ayaa afartan sano ka dib usoo gudubtay fiinalaha ciyaaraha degmooyinka waxayna ciyaartii rubac dhamaadka rigoorayaal 5-4 kaga soo baxday wiilasha degmada Shangaani

17-September 2018-Xiriika kubbadda cagta Soomaliya iyo kan Maamul-Goboleedka Jubaland ayaa si wadajir usoo xeray horyaalka heerka ee kubbadda cagta Jubaland 2017-2018 oo ay ku guulesyety wiilasha Kasiima FC

21-September 2018- Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa furay tartanka sanadlaha ah ee koobka General Daa’uud oo ay ka qeyb galeyn 16-koox

24-September 2018-Madaxweye Farmaajo ayaa caasimada Muqdisho kusoo xeray tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir waxaana ku guulaystay wiilasha kooxda Waaberi,iyagoo 1-0 kaga hantay dhigooda Shibis.

30-September 2018-Maamul Gobolka Banaadir ayaa la wareegay garoonka Minishiibiyo ee degmada Warta Nabadda waxaan sanadihii lasoo dhaafay gacanta ku hayay maamulka kooxda Muqdisho City Club.

02-October 2018- Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa gudoomiyaha FIFA Gianni Infantino kula kulmay xarunta FIFA ee magaalada Zurich ee dalka Switzerland waxayna labada dhinac kawada hadleyn horomarinta isboortiga.

17-October 2018-Kooxda Banadir SC ayaa ku guulaystay koobka sanadaha ah ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse waxayna ka qaaday xidigaha Horseed.

18-October 2018-Muqdisho waxaa soo gaaray macalimiin iyo ciyaartooy Soomaaliyeeed waxayna ka kala yimaadeeyn wadamada England, Sweden, Norway, Canada, America iyo Kenya,iyagoo u yimid ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal buslsho.

30-0ctober 2018-Magaalada Muqdisho waxaa ka dhoofay kooxdii qurbajoogta Soomaaliyeed,iyagoo ciyaaro saaxiibtinimo la ciyaaray kooxaha Elman, Heegan, Dekedda iyo Horseed,waxaan safarkooda ka haray Feysal Xasan oo loogu yeeray waajibka xulka qaranka.

15-November 2018-Cabdiqani Saciid Carab oo ahaa gudoomiyihii xiriirka kubbadda dalka ayaa markale loo doortay in uu sii ahaado afarta sano soo socota waxaana ku xigeynada 1aad iyo 2-aad iyagana loo doortay Cali  Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed

17-November 2018-Kooxda Elman oo la wareegtay kabtankii Muqdisho City Club Daadir Amiin Cali horayna waxaa elman ugu tirsanaa walaalkiisa Jamaal Amiin Cali

20-November 2018-23 jirada xulkeena ayaa 1-0 ugu badiyay dhigooda Ethiopia waxaana goolkaas dhaliyay Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa kooxda qurbajoogta caasimada timid bishii October.

25-November 2018- Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda Hoose ee Muqdisho city oo waqti dheer ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay Banaadir SC.

29-November 2018-Kooxda jaaliyada Somaliyeed Melbourne ayaa sanadkii saddexaad dalka u imaaday ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho waxayna booqasho ku mareyn magaalooyinka Nairobi, Kismaayo Muqdisho iyo Baydhabo waxaana la socday koox tariikh oo u yimid caawinta dadka baahiya gaarka qaba ee xaga caafimaadka.

30-November 2018-Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) ayaa loo magacaabay la taliyaha arimaha isboortiga Gobolka Banaadir,wuxuuna kaalin weyn ka qaatay isku xirka isboortiga gudaha iyo qurbaha.

01-December 2018-Axmed Tahliil Cali ayaa loo magacaay xilka tababarnimo ee kooxda kubbadda cagta L.L.P Jeenyo,isagoo horay u ahaa kabtankeedii sanadihii lasoo dhaafay.

13-December 2018-Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa  kooxdii qurbajoogta ee dallka timid bishii October ayaa xulka qaranka u dhaliyay 3-gool waxayna ciyaartaas aheyd kulan saaxiibtinimo oo dhexmartay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti waxaana kulanaas 4-1 ku adkaaday wiilasha xulkeena.

14-December 2018-Wafdiga ciyaartooyda,macalimiinta iyo kooxda taariikhta ee jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne ay ku laabtay Australia waxayna socdaal ku kala baxiyeen magaalooyinka Niarobi,Kismaayo,Muqdisho iyo Baydhabo .

18-December 2018-Kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heer 4aad ee dalka Sweden ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada Muqdisho,iyagoo u yimid ciyaaro saaxiibtinimo

26-December 2018-Axmed Tahliil Cali ayaa Kulankii kowaad hogaamiyay kooxda Jeenyo,isagoo Macalin ah wuxuuna kulankiisii kowaad barbaro la galay wiilasha Som United ee ka ciyaaraha horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden oo caasimada u yimid is-dhaxgal bulsho.

27-December 2018-Ra’iisul wasaaraha dalka mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan is barasho Iyo xog wareysi la yeeshay wafdiga Kooxda Som Unitedoo dalka U yimid Is-dhaxgal bulsho Iyo ciyaaro Saaxiibtinim wuxuuna u Mahad celiyay Kooxihii sanadkan soo booqday wadanka.

28-December 2018-Wasiirka ciyaaraha dowlada Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in uu baaqday tartankii kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2018 war saxaafadeed kasoo baxay wasaarada ciyaaraha dowladda ayaa lagu sheegay in tartanka la qabanayo bisha April ee 2019.

29-December 2018-Ciyaartooyda kooxda Muqdisho City Club ayaa kulankii ugu horeeyay ku dheelay magaca caasimada tan iyo markii ay la wareegeyn maamulka G.Banaadir 25-November

30-December 2018-Wafdiga ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda Som United ayaa ka amba baxay caasimada Muqdish,iyagoo ku laabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden waxayna sheegayn in sanadaha soo aadan ay booqandoonaan dhamaan gobolada wadanka.

Halkaan Ka Daawo Warbixinta Oo Lasoo Koobay

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/373297199897204/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Email-[email protected]