U bood dhigaalka

Dhadhaab: 77,646 Qoys Oo Gargaar La Gaarsiiyay

Sheeko:Dalka

Hey’adda Boqol Salmaan ee arrimaha gargaarka iyo banii’aadnimada ee KSRelief ayaa xerada qaxootiga ee Dhadhaab gaarsiiyay 1,200 Tan oo cunto ah.

Sida la sheegay barnaamijkan waxa ka faa’odeysanaya 77,646 qoys oo ay ku jiraan caruur, hooyooyin iyo dadka qaba cudurka tuberculosis-ka.

Barnaamijkan oo dalal badan laga fulinayo ayaa waxaa qeyb ka ahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan xerada Dhadhaab, kuwaas oo in ka badan 28 sano Kenya qaxooti ku ahaa.

Xeryaha Dhagaxley, Ifo, Ifo2 iyo Xagadhera waxaa uu ku noolaa qaxooti badan in ka badan 70,000 ayaa Soomaliya dib ugu labatay kadib 2014kii.

Goobjoog News