U bood dhigaalka

Dhadhaab: Michael Keating Oo Qaxootiga U Sheegay In Soomaaliya Ay Soo Roonaatay

Sheeko:Dalka

Ergeyga Xogheyaha guud ee Qaramada midoobey ee Soomaaliya Michael Keating ayaa la hadlay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada ugu weyn caalamka ee  Kenya.

“ Ra’yigeyga siday ii sheegtay hooyo dalka ku laaban rabto, xaaladda wey soo roonaaneysaa” sidaasi waxaa yiri Michael Keating oo Khamiistii ku sugna xerada Dhadhaab.

 “Waxaa jirta dowlad xoog leh, waxaa dhisan hey’adihii federaalka, dadaalo badan ayaa lagu bixiyay amniga-haa, inksata oo Alshabaab ay weli khatar yihiin hadana dhaqaalaha kor ayuu u kacay, xaaladda si tartiib, tartiib ah ayey u soo roonaan”.

Michael Keating, waxaa uu ka hadlay in soo noqoshada dadkaasi qaxootiga ah ay tahay mid iskood ah oo aanu qasab jirin, isaga oo ka deriyay dhibaatooyinka iyo abaarta.

Dhadhaab, waxaa hadda ku nool  226,472 oo qaxooti qoran ah, dadkaasi oo halkaasi joogay in ka badan 28 sano.

Qaxootiga Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay ugu badnaayeen labo xilli inta ay xadka ka gudbeen, 1991-dii markii ay dhaceen dagaalladii sokeeye iyo 2011-kii oo abaaro badan intay dhaceen ay xerada gaareen in ka badan 130,000 oo qaxooti ah.

Goobjoog News