U bood dhigaalka

Dhagax-dhig Kadib, Goorta La furayo Matxafka Qaranka Oo La Shaaciyey

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta dhagax dhig lagu sammeeyey madxafka qaranka oo ka mid ah goobaha danta guud ee dib loogu dhisayo Barnaamijka isxilqaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhagax-dhigay, waxaa kale oo goobjoog ka ahaa wasiirka boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan, wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow.

Madaxweynahe Farmaajo ayaa tilmaamay sida loogu baahanyahay in dalka lagu dhiso is-xilqaan, oo aan la sugin gacan shisheeye, isaga oo booriyey inuu barnaamijka sii socdo, laguna dhiso goobo badan.

Guddoomiyaha guddiga dhismaha madxafka qaranka ahna wasiirka boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshe dib-u-dhiska Madxafka Qaranka lagu dhammaystirayo Juune sanadka soo socda.

Goobjoog News