U bood dhigaalka

Dhageyo: Isbitaal La’aan Ka Jirta Degmada Diinsoor

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegay in aanu jirin xarumo caafimaad oo dadka lagu daweeyo, xilli ay degmadan ay ka mid tahay kuwa ay go’doomisay Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay in aanu jirin xarun caafimaad oo dadka xanuunada qaba lagu daweeyo, isaga oo intaasi ku daray iney jiraan haween dhiigbax u geeriyoodey kadib markii la waayey goob lagu daweeyo.

Hya’adaha samafalka iyo Maamulka K/galbeed ayuu ka dalbaday in si degdeg ah ay soo gaaraan dadka ku sugan Diisoor maadaama degmada ay tahay mid go’doonsan .

Guddoomiyaha Diinsoor waxaa uu tilmaamay in golaha wasiirrada ee maamulka K/galbeed aysan si cadaalad ah ugu shaqeynin shacabka ku nool deegaannada maamulkaasi waxaa uu xisay in loo baahanyahay in golaha wasiirrada ee maamulkaasi in si siman ay ugu adeegaan shacabka ay matalaan.

Hadalka ka soo baxay guddoomiyaha degmada Diinsoor ayaa imaanaya xilli maamullada degmooyinka K/galbeed ay qeylo dhaan ka muujinayaan xaaldaha bani’aadannimo ee ka jira degmooyinka Baay, Bakool iyo shabellaha hoose.

 

 

 

 

 

 

Goobjoog News