U bood dhigaalka

Dhageysi: Halkee Ayuu Marayaa Wadahadalka u Dhaxeeya Beelihii Ku Dagaallamay Cadalle, Sh/dhexe?

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey wadahadalka u dhaxeeya beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay deegaanno ku dhow degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi C/raxmaan Axmed ayaa u sheegay Goobjoog News, u sheegay in waxgaradka beelahan oo ku shirsan Jowhar ay u muuqdaan kuwo is fahamsan, waxyaabbo badanna la isla gartay.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in maalmaha soo aadan ay macquul tahay in shirka lasoo gabagabeeyo, xal kama dambeys ahna laga gaaro wixii dhacay.

“Wixii dhacay oo naf iyo maalba leh ama deegaan lagu dagaallamay waa waxa loo fadhiyo waxaana ay ku dhamaanayaan si guul ah, dadku waa walaalo, ma ahan kuwo colaad soo jireen ay ka dhaxeysay” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Cadalle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ayaa kaalin ka qaatay gogosha nabadeed ee loo fidiyey beelahan.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News