U bood dhigaalka

Dhageysiga Dacwada Badda Oo Bilaabatay Iyo Dalka Kenya Oo Ku Doodaya In Doodda La Xiro

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta Hague ka bilowday dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, dalka Kenya ayaa sida lagu ballan-sanaa waxaa ay ka hor hadlayaan maxkamadda.

Abuukar Cawaale oo maxkamadda ku sugan ayaa Goobjoog News u sheegay in Kenya ay ku doodeyso in aan dacwada la furin oo doodda aan laga bilaabi Karin maxkamadda cadaaladda adduunka.

Kenya ayaa maxkamadda ka hor-sheegtay in dacwada ay Soomaaliya halkaas geysay ay tahay mid sharci darro ah oo khalad ah, Kenya ayaa maxkamadda hordhigay isfaham hore.

Kenya waxaa ay maxkamadda horkeentay heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ay galeen 2009-kii, kaas oo dhigaya in labada dal ka wada hadlaan arrinta badda iyo xadeynta.

Soomaaliya oo Talaadada hadli doonta waxaa ay ku doodeysaa in wax walbo oo muranka badda ah lagu dhameeyo gudaha maxkamadda cadaaladda adduunka.

Goobjoog News