Dhageysiga Khudbadaha Musharraxiinta Hirshabelle Oo Maanta Bilaabaneysa
Sheeko:Dalka
Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ka bilaabato dhageysiga khudbadaha musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulka Hirshabelle.
Waxaa is diiwaangeliyey sida guddiga uu sheegay illaa iyo 7 musharrax, waxaana ku jira siyaasiyiin caan ah.
Xildhibaannada waxay maanta bilaabayaan iney dhageystaan Khudabadaha si ay u kala qiimeeyaan shaqsiga ay u dooran lahaayeen madaxweyne.
Qorshaha doorashada ayaa ahaa 12-ka bishan, hase ahaatee warar laga helay guddiga waxay sheegeen iney 16-ka bishan ka dhigeen.
Ammanka guud ee magaalada Jowhar aad ayaa loo adkeeyay, iyadoo laga dareemayo magaaladaasi u diyar garowga doorashooyinka.
Goobjoog News