U bood dhigaalka

Dhageyso: 35 Qof Oo Ku Sumoobay Boorash Ay Cabeen, Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dad u badan haween iyo carruur ayaa ku sumoobay Boorash ay cabeen kuwaasi oo lagu kariyey xarumo ku yaalla degmooyinka Waaberi iyo Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la xaqiijiyey in 35 qof ay ku sumoobeen Boorshkan oo laga kariyey xarumahan, waxaana dadka qaar la sheegay in Koomo ay galeen.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti oo dadkan ku booqatay Isbitaalka Banaadir waxa ay fartay dhammaan xarumaha MCH-yada ee laga kariyo Boorashka ama laga bixiyo ay joojiyaan illaa ammar dambe.

Waxa ay sheegtay in hadda ay baaritaanno wadaan islamarkaana wixii faah faahin ah ay dib kasoo saari doonaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News