U bood dhigaalka

Dhageyso: 5 Musharrax Oo Illaa Iyo Hadda Isku Diiwaangeliyey Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashada guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in maanta ay ku egtahay diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilka guddoomiyaha golahan.

Guddoomiyaha guddigan, xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in gelinka dambe ee maata (5:00 PM) ku egtahay diiwaangelinta musharraxinta, wixii ka dambeeyana la guda geli doono howlaha kale ee jadwalka doorashada.

Waxa uu sheegay Iidow sidoo kale in hadda ay is diiwaangeliyeen 5 musharrax, cid walbo oo ka mid ah golaha shacabkana u furan tahay iney is diiwaangeliso.

Musharraxiinta is diiwaangeliyey:

  • Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow
  • Xildhibaan Sheekh Cali Sheekh Maxamed Nuur
  • Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafra Gareen)
  • Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
  • Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

Goobjoog News